Wasaradda Deegaanka Daaqa,duurjoogta iyo dalxiiska Maamulka Puntland ayaa maanta oo Jimce ah xustay maalinta deegaanka adduunka oo ku beegan shanta bishan Juun.
Xuska maalintan oo lagu qabtay xarunta wasaradda Deegaanka ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka Deegaanka Faarax Cali Cabdi, ku simaha agaasimaha guud ee wasaradda deegaanka Liibaan Maxamed Faarax,madaxa Hay’adda ADDESO ee Puntland Dr.Cabdi Daahir, Gudoomiyaasha gobaladda Puntland qaarkood iyo dadwayne kale.
Ugu horayntii wasiir ku xigeenka Deegaanka Puntland Faarax Cali Cabdi ayaa ka hadlay sida loogu baahan yahay in la ilaaliyo deegaanka Puntland lagana hortago dadka dhirta goynayo, wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay howlaha kala duwan ee ay wasaraddu ka wado Gobaladda Puntland.
Ku simaha Agaasimaha guud ee wasaradda Deeganka Puntland Liibaan Maxmaed Faarax ayaa sheegay xuska maanta oo kale in caalamka oo dhan laga xusayo isla markasna hal ku dhiga sanadkan la isla qaatayna uu yahay ”Todobo Bilyan oo riyo hal adduun uga faa’iidayso si taxadar leh”, Liibaan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay deegaanka Ilaaliyaan, maadama nolasha dadka ay ku xiran tahay Deegaan bad qabo oo lagu noolayn karo.
Dr.Cabdi Daahir madaxa Hay’adda ADDESO ee Puntland gaar ahaan mashruuca deegaankaagu waa nolashaada (Environment is your Life) ayaa dadka ku baraarujiyay in gacmaha la isku qabsado sidii looga hortagi lahaa waxyeelada deegaanka loo gaysto sidoo kale waxa uu tilmaamay dhankooda inay ka go’an tahay sidii wasaradda Deegaanka arrimahan loogala shaqayn lahaa.
Dadka xuska ka hadlay waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Gobalka Mudug oo ka waramay dhibaatooyin badan oo ka socda Gobalka Mudug sida xirmaysi dhul daaqsimeed, isagoona ugu baaqay Hay’addaha iyo dowladda in arrintaasi lagala shaqeeyo, wuxuna sheegay isagoo kashanaya wasaradda Deegaanka inay ka hor tag ka sameeyeen.
Sanad kasta shanta bisha Juun ayaa caalamka laga xusaa maalinta deegaanka, waxana lagu soo bandhigaa dhibaatooyinka deegaanka, sida looga hortago, iyo horumarka laga gaaray.
DAAWO SAWIRADDA: