Mooshin Cusub oo Baarlamaanka Horyaalo (Muxuu ku qotomaa).

0

Guddoomiye  ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka, Mudane Mahad Cabdalle  Cawad , ayaa Warbaahinta  u sharraxay ajandayaasha hor yaalla Baarlamaanka.

Mudane Cawad ayaa tilmaamay in uu baarlamaanka  horyaallaan  Mooshinno  la xiriira    darbiga  dowladda Kenya  ka dhisayso  xadka ay la wadagto Soomaliya  iyo   dagaalka  u dhexeeya  dad xoolo dhaqato ah  iyo Ciidanka Dowladda Degaanka Somalida Itobiga ee ka socda  xadka  dalka  itoobiga   uu la-leeyahy  gobolka galgaduud .

Waxa uu yiri Mudane Cawad “Moowshikaasi xildhaabanadu waa aragti ayey kasoo diyariyeen fadhiyada soosocda ayaana laqeeybinayaa marakaseeyna sogaleeysaa  ajandaha  hadii alaah yiraahdo lakiin xildhibaanda weey kahadleen een moshin weey kasoo jeediyeen waana looqeeybin donaa markaasaana lagudagali doonaa sababtoo ah golaha shacabku wax walba oo  shuruucda   shacabka  somaliyeed tabanaya waa eey kahadlaan qaraaro ayey kasoo saran , xukuumadana weey ugu yeeraan si eey ugala xisaabtamaan wixii arintaas ayada ah laga qabto arimo kale oo xaduuda somaliya iyo ethopia oo amaan daraa aad uweeyn waa eey dhacday ayadana xafiiska shir gudoonka mooshin aa kasoogaray”

Labo kulan oo ka mid ah kalfadhiga lixaad ee baarlamaanka, ayaa  qabsoomi waayay ka dib markii ay soo xaadiri waayeen xildhibaannadii loo baahnaa si uu Kooramku u buuxsamo.