DHAGEYSO: Ciidamada Dowlada Kenya Oo Lagu Eedeeyay Dhul Balaarsi ay Ka Wadaan Xadka Soomaliya.

0

Ciidamada dowlada Kenya ayaa waxaa lagu eedenayaa in ay isku soo balaarinayaa meelo kamid dhulka soomaliya oo xiligaan ay ku sugan yihiin waxaa arimahaas cabasho ka muujiyay saraakiisha ciidamada dowlada ee Gobolada Jubooyinka

Waxaan qadka taleefanka aynu kula xiriirnay mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Jubooyinka isagona sheegay in ciidamada dowlada Kenya ay waqti walba ay ku soo durkayaan ciida soomaliya taasi ay keeni karto in ay la wareegaan gobolada Jubooyinka

Sarkaal ku sugan gobolada Jubooyinka oo lagu magacaabo C.rashiid macalin gaas ayaa sheegay in waqti walba ay ciidmada dowlada Kenya ay isku so baalarinayaa dhulka soomlaiya taasina ay qatarta ku tahay jiritaanka dowlada soomaliya

Ciidamda dowlada Kenya ayaa dhawaan sheegay in ay darbi ay ka dhisi doonaan xadka ay la wadaan dalka Soomaliya iyadoona dadka qaar ay taasi ay u arkeyn in ay dhul balaarsi ay wado dowlada Kenya

HOOS KA DHAGEYSO: