Sacuudiga ayaa diiday in daanyeer looga soo dhoofiyo dalka Sweden iyagoo cillad ka dhigay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal.
Warbaahinta Sweden ayaa sheegtay in qorshuhu ahaa in afar daanyeer laga dhoofiyo dalkaasi oo la geeyo beer xawayaannada lagu xanaaneeyo dalka Sacuudiga.
Madaxda beerta xayawaannada daanyeerta laga soo qaadi lahaa ee Sweden ayaa sheegay in Sacuudigu u sheegeen inaan loo baahneyn daanyeertaasi.
Sacuudiga ayaa horey ugu yeeray safiirkoodii Sweden, oo welibo ka noqdey heshiis ay hub uga gadan lahaayeen dalkaasi, kaddib markii labada dal uu soo kala dhexgalay khilaaf.
Sweden ayaa ka hadashay xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Sacuudiga taas oo ka caraysiisay mas’uuliyiinta dalkaasi.