Dowladda Ethiopia ayaa sii deysey labo sarkaal oo ka tisan ururka ONLF, kuwaasoo sanadkii hore sirdoonka Ethiopia ku qabteen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,
Afhayeenka Jabhadda ONLF ayaa sheegay in dawladda Ethiopia ay soo deysay labo sarkaal oo jabhadda ka tirsan, ka dib markii dawladda Kenya iyo dalal kale oo dibadda ahi ay kaalin ka geysteen.
Sii-deyntan ayaa haddaba la sheegayaa inay kaalin ka geysan karto in labada dhinaca ay soo celiyaan wadahadalkii uga socday Kenya ee ku aaddanaa inay heshiis gaaraan.
Af-hayeenka ONLF, Caddaani Hirmooge oo u warramay idaacadda VOA ayaa xaqiijiyey sii deynta labada sarkaal oo lagu kala magacaabo Sulub Cabdi Axmed iyo Cali Axmed Xuseen (Cali Dheere).
“raggan dowladda Ethiopia ayaa ka afduubatey sanadkii hore magaalada Nairobi…sii deyntooda waxaa ka qayb qaatey dowladda Kenya iyo diblumaasiyiin caalami ah” ayuu yiri.
Dadka ka faallooda siyaasadda Ethiopia ayaa ku tilmaamey tallaabadan mid soo dhoweyn mudan, maadaama labada dhinac tanaasul sameeyeen isagana soo dhowaanayaan sidii ay sanado kahor ahaayeen.
HOOS KA DHAGEYSO WARBIXIN: