Hoolka Shirka Magaalada Cadaado waxaa ka Billowday Gacan ka hadal, mid ka mid ah Ergada Joogta Cadaado Oo La Yiraahdo Suldaan Axmed Garbacunna Oo Goordhow la Hadlay All-Galgaduud Media, Wxuu Sheegay in leysla dhacay Kuraas, Dastuurkii la Jeex-jeexay, Odayaasha Cadaado ayuu sheegay in ay Billaabeen Gacan ka hadalka.
Ciidamada Ammaanka ayaa tegay Goobta, wallow aysan u suuragelin in ay Dejiyaan Xaaladda, Ciidan Itoobiyaan ah ayaa waxaa ay ku Guuleysteen in ay kala Wadaan Ergada, Shirkiina sidaa ayuu Hakad kale ku galay, qaar ka mid ah Ergada Gedootay ayaa Billaabay in ay Kuraas iyo Kumbiyuurro la dhacaan kuwa ku qanacsan Dastuurka qeybintiisa.
Nabadoon Axmed Garbacunna Ayaa Waxaa Ka Wareystay Arimahaasi wariyahenna Yuusuf Cabdi Shire