TOP:- Ninkii jeclaaday gabadha Obama oo isagana la jeclaaday.

0

Garyaqaan Felix Matagei oo u dhashay dalka Kenya, ayaa dhawaan shaaciyey inuu doonayo inuu  guursado gabar uu dhalay Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama oo lagu magacaabo Malia B.Obama.

Garyaqaanka ayaa sheegay inuu danaynayo inuu guursado Malila, isla markaana diyaar la yahay inuu yarad ahaan u bixiyo 50 sac, 70 ido iyo 30 ari.

Waxa uu sheegay inuu arrinta guurka kala tashan doono Madaxweyne Obama marka uu bisha soo socota ee July bartamaheeda booqashadda ku yimaado magaalladda Nairobi.

Iyadoo uu sidaa ku talamayo, ayaa waxaa Garyaqaan jeclaa Malia Barack Obama waxaa la soo xiriirtay gabar kale oo ka codsaday inuu iska tuuro codsiga gabadha Obama.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Ann Kioko ayaa ka codsatay Felix Matagei inay Lammaane noqdaan, iyadoo u sheegay inay aad u jeceshay.

Ann Kioko waxay ninkaasi kula saaxiibtay  Twitterka, waxayna codsi saaxiibnimo (a friend request) ugu dirtay Facebook, balse weli ma uusan aqbalin codsigeeda.

Qoraal ay Axaddii hore u dirtay Felix Matagei, waxay ku sheegtay inay ka baqdo aragiisa wanaagsan, isla markaana uu  ragga kale wax dheer yahay.

“Waxaan waqti ku qaataa daawashadda sawiradaada. Waxaan aad ula dhacay mid ka mid ah oo aad u qurux badan tahay, isla markaana aad leedahay weji la moodo in qaab wacan loo xardhay” ayey qoraaalkeeda ku diray.

Waxay kaloo ku catowday inaysan faraxsanaan doonin haddii uu ku sii dheganaado Jacaylka Malia Obama.

Ann Kioko waxay ka codsatay Felix Matagei inuu garwaaqsado codsigeeda, waxayna sheegtay inay tahay haweeney hawlkar ah, isla markaana ay dhisan karaan Aqal Cad oo iyaga u gaar ah”

Haweeneydaasi oo ka soo jeeda Tuulladda Weru ee Degmadda Nyandarua ayaa sheegtay inay bilaabi karaan ganacsi ay ku iib geyn karaan Caanaha .

Waxay kaloo sheegtay inay deggan yihiin dhul barwaaqo ah oo ay biyuhu durduraan.

Ninka ay jacaylka daran u qaatay ee Garyaqaan Felix Matagei oo arday ka ah Jaamacadda Oxford ee magaalladda London ayaa horey u sheegay inuu Jacayl Daran u qaaday mid kaa mid ah labada gabdhood ee uu dhalay Madaxweyne Obama.

Wuxuuna xusay inay ka go’an tahay inay u rumowdo Riyadiisa si uu u guursado Malia Barack Obama.

“Marna lama daala-dhicin  jacayl  wax yar. Waxaan jeclahay  Qoyska Koowaad” ayuu Khamiistii hore ku yiri Facebook.

Waxa uu intaasi ku daray inuu hamiga uu u hayo Malia Obama bilowday  intuu Madaxweyne Barack Obama ku jiray Ololihiisa Madaxtinimadda ee sannadkii 2—8-dii, xilligaasi oo ay Malia Obama 10-jir ahayd.

Garyaqaanka waxa uu Madaxda Kenya ka codsaday inay Obama u ballan qaadaan Labada Dhalasho ee American-Kenyan, oo ay Muwaadinimaddiisa Kenya siiyaan, marka uu Barack Obama yimaado Kenya bartamaha bisha July ee sannadkan.

Xuquuqda qoraalkaani waxaa leh oo Turjumay: Nuradin Abokor Ahmed