DAAWO SAWIRADDA:- Warar dheeraad ah oo laga helaayo Markaba Siday Boqolaal Dalxiisayaal ah oo Degay.

0

Kooxaha gurmadka ee wadanka Shiinaha ayaa ku jira hawlgal samato bixin ah oo kadib markii uu dagay mid ka mid ah maraakiibta dalxiiseyaasha qaada oo ay saarnaayeen 450 qof oo ku dalxiisayay wabiga Yangtze ee mara badhtamada dalkaasi shiinaha.

Saraakiishu waxaa ay sheegeen in la helay maydadka shan qof, ugu yaraan 15 kalena lasoo badbaadiyay sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee wadanka Shiinaha.

Dadka la badbaadiyay waxaa ku jira kabtankii Markabka ay masiibadu haleeshay iyo ingineerkii guud kuwaasi oo xabsiga la dhigay markii lasoo badbaadiyay.

Warbaahinta wadanka shiinuhu waxaa kale oo ay sheegtay in ay jiraan dad nool oo wali ku jira gudaha markabka rogmaday.

Kooxaha gurmadka ee dalka shiinaha ayaa tijaabiyay in ay xidhiidh isgaadhsiineed la sameeyaan dadka ku jira markabka.

DAAWO SAWIRADA

qqqqqq