War Deg Deg: Ciidamada Dowlada oo La Wareegay Tooratoorow Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

0

Waraka  saakay naga soo gaaray deeganka Tooratoorow ee Gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegay in  halkaan ay si toos ula wareegeen ciidmada dowlada soomaliya iyo kuwa Amison iyadoona la xaqiijiyay in aysan wax dagaal ah aysan la kulmin ciidamda

Gudoomiyaha Gobolka shabeelaha C/qaadir maxamuud nuur siidii ayaa u xaqiijiyay in ciidama dowlada ay xalay ay si buuxda ula waregeen Tuulada Tooratoorow Gobolka shabeelaha hoose

C/qaadir maxamuud nuur siidii gudoomiyaha Gobolka shabeelaha ayaa sidoo kale sheegay in al-shabaab ay dhibnaato ku ahaayeen dadka ku noolaa deeganka Tooratoorow ee Gobolka shabeelaha hoose ayna diideen sidoo kale ceelasha biyaha ee halkaas ka shaqeynaayay

Deeganada hoose yimaada Gobolka shabeelaha hoose mudooyinkii dambe waxaa ku sugaan ciidmada xarakada al-shaab iyadoona sidoo kale ay ka dhaceen dagaalo tuulooyin hoos yimaada Gobolka shabeelaha hoose

Isha Ku Hay All-Galgaduud Media Oo Kala Soco Wixii Ku Soo Kordha Insha alaah.