TOP DHAGEYSO:- Reysulwasaare Cumar ” Waqooyiga Mudug Qeyb kama Ah Shirka Cadaado”

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ku sugan wali Magaalada Cadaado ayaa Kulan la qaatay Ergada  ka socota Waqooyiga Gobolka Mudug ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland ee ku sugan  Cadaado.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Ergada u sheegay in aysan ka qeyb gali karin Shirka Maamulka Lou sameenayo Gobolada Dhexe ee hada ka soconaya Magaalada Cadaado.

Qaar kamid ah Ergada ka soo jeeda Gobolka Mudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu u sheegay in Maamulka Gobolada Dhexe loo sameenayo uu ka Kooban yahay Koofurta Mudug iyo Gobolka Galgaduud oo horay Puntland iyo Dowladda Dhexe ay ugu Heshiiyeen.

Odayaasha ayaa sidoo kale Sharuut ku Xiray Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Sharuudaas oo ah in uu Warbaahinta ka Shaaciyo in Maamulka la  dhisayo uu noqonayo Koofurta Mudug iyo Galgaduud sida ay sheegeen islamarkaana ay tilmaameen in ay Ra’iisul Wasaaraha ka Warsugayaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: