Booliska Kenya ayaa sheegay inay baarayaan sida ay u dhaceen jir dil lagu eedeeyay ciidamada inay u geysteen dhalinyaro Soomaali ah oo ay ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen magaalada Gaarisa gobolka NFD ee Kenya maamusho.
War booliska kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in la baarayo xaqiiqada sawiro lagu baahiyay baraha bulshada gaar ahaa Facebook,ga waxaana sawiradaas ka muuqda askarta oo si arxan darro ah ula dhaqmaya dad Soomaaliyeed.
Taliyaha booliska Gaarisa Shadarack Maithiay ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaan ay ku sameynayaan cidda gaysatay jir dilkaas isla markaana ay su’aalo weydiinayaan qaar ka mid ah askarta wajiyadooda sawirada lagu arkay.
Sargaalkaan waxaa uu sheegay inay tilaabo ka qaadayaan shaqsiyaadka jir dilka gaystay baarista kadib
Sawiradaan oo markoodii ugu horeysay lasoo galiyay bogga uu facebook,ga ku leeyahay shaqsi magaciisa la yiraahdo Michael Orita waxaa ka muuqda tiro askar ah oo ku hubeysan qoryaha AK 47 la yiraahdo dul taagana dad dhulka la jiifiyay.
Mid ka mid Askarta Kenya ayaa ul si xoog leh ula dhacaya qof dhalinyaro ah oo xiran shaati buluug ah waxaana qofkaas ag yaala qof kale oo da’a ah oo xiran koofiyad sunno ah waxaana wajigiisa ka muuqda argagax halka askarta qaarna ay dhoola cadaynayaan.