TOP DHAGEYSO:- Kulankii Baarlamanka ee maanta oo dib udhacay iyo gudoonka oo hadlay.

0

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waday in Xildhibaanada ay Codka u qaadaan Mooshinka dhan ah Kooxda raaskanbooni ayaa maanta Markii Afraad u baaqday Kooram la’aan kadib markii Xildhibaada ay soo xaadiri  waayeen.

Kulanka Baarlamaanka ee Maanta ayaa waxaa soo Xaadiray 131 Xildhibaan,iyadoo la doonayay in Kulanka ay soo xaadiraan 139 Mudane si Kooramka uu u Furmo.

Guddoomiye Kuxigeen Koobaad Ee Baarlamaanka Xildhibaan Jeylaani Nuur Iikar oo Warbaahinta si kooban u la hadlay ayaa sheegay in Baaqashada Kulamada Baarlamaanka uu Sharaf Dhac u yahah Jiritaanka Xildhibaanada,waxaana uu sheegay in Shir Deg Deg ah laga yeelanyo Baaqashada Kulamada Baarlamaanka.

Sidoo kale Qaar kamid ah Xildhibaanada Soomaaliya ayaa qaaba in la siyaasadeeyay Mooshinka oo la doonayo in lagu dilo Sharafta Baarlamanka.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka