Khartoum, June 1, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Khartoum ee caasimadda Jamhuriyadda Sudan, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir oo dib loo doortey.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Khartoum International Airport ku soo dhoweeyay, wasiiro ka tirsan xukuumadda Sudan.
Inta uu joogo magaalada Khartoum, Madaxweynaha waxaa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiint xukuumadda Sudan iyo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Sudan.
-Dhammaad-