Boqolaal Soomaalida Columbus ah ayaa ka soo qeybgashay xaflad lagu taageerayay shirka maamul u samaynta gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Shirkan oo ay soo abaabushay jaaliyada gobolada dhexe ee gobolkan Ohio ayaa wax ay ujeedka xafladooda ku sheegeen dhiirogalinta iyo taageerida dadka gobolada dhexe sidii ay aayahooda uga tashan lahayeen isla markaana u samaysan lahayeen maamul ay ku midaysanyihiin.
Xasan Jilicow Maslax oo ka mid ahaa Masuuliyiintii xaflada ka hadlay ayaa yiri ” Waxan halkan fariin Baaq ah, Wacyigalin ah, iyo gubaabo halkan uga diraynaa dhamaan inta ku howlahan dhismaha maamul u samaynta gobolada dhexe kaas oo shirkiisu ka socdo magaalada cadaado inaga oo ku hanweyn in wax loo aayo ay ka soo baxaan”
C/nuur Sahal oo ah Afhayeenka gudigii soo abaabulay xafladan ayaa dhankiisa tilmaamay 3 qodob oo la isla gartay taas oo kala ah ” In Odayaasha Guurtida ee gobolladaasi aysan dhabarka isku duwan isla markaana ka faaiidaysantaan fursada ay haystaan oo ah shirka ka soconaya Cadaado in ay isku fahmaan kana fakaraan aayaha jiilasha ka danbeeya, in Xubanaha Baarlamanka ee ka so jeeda goboladaas ay odayaasha iyo dhinacyada shirka kala shaqeyaan sidii is fahan loogu dhamayn lahaa guulaha la sugayo, iyo in la dhiso dowlad goboleed dhamaystiran oo madaxweyne iyo Baarlaman leh”
Gudoomiyaha jaaliyada Soomaalida Ohio Xasan Cali Cumar oo xaflada ka hadlay ayaa hoga tusaaleeyay in gobolada dhexe ay la midyihiin xudunta qofka aadanaha ah ku taala hadii xuduntu bokootana uusan qofku nolaan karin, taa badalkeeda gobolada Dhexe waa xuduntii dalka ayuu yiri ee yaan la halayn ee horseed u noqda nabada.
Suldaan fiqi oo ka mid ah salaadinta Soomaaliyeed ayaa amaanay doorka dowladu ku leedahay dhismaha maamulada dalka ka jira isaga oo dhanka kale yiri ” Doorka dowlada soomaaliya waa mid muuqda howl wanaagsana waa ay qabteen, dowladu waa in ay gobolada ay tagayaan maamuladana u dhisayaan ogaadaan in ay kala duwanyihiin caqabado badana uga imanayaa isla markaana looga fadhiyo in ay u wajahan sida deegaanadu u kala duwanyihiin, si loo helo dad ku faraxsan maamulka loo samaynayo”
Nabadoon sheekeeye ayaa xusay sida lagama maarman u tahay in hadii wax la dhisayo la is qilaafo oo la murmo kadibna xal la gaaro, taas oo uu ku tilmaamay horumar mar hadii la wada hadalay, isaga oo ka hadlayay shirka cadaado waxa u yiri ” Waxan so dhaweynaynaa horumarka uu shirku ku tilaabsanayo iyada oo ay na soo gaartay in xal laga gaaray tabashooyinkii jiray oo iminka si wada jir ah dadku wax u wataan”
Nabadoon Muuse Farayare ayaa ka sheekeeyay marxaladihii ay goboladaasi soo mareen iyo sida loogu bahanyahay in dadka ku nool ay helaan nabad la mid ah mida deegaanada kale ee Soomaaliya ay haystaan.
Jaamac Ciise Bariir ayaa xusay in loo bahanyahay in dowlada Soomaaliyeed ay dadka deegaamadaasi u madax banayso in ay iyagu is turxaan bixiyaan, kana caawiso wixii jasiilaad ay u bahanayihiin, isaga oo dhanka kale ugu baaqay dadka deeganka in ay guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii ay midnimo wax ugu dhisi lahayeen.
Waxa uu sidoo kale Jamac canbaareeyay weerar dad lagu laayay oo dhawaan ka dhacay gobolada Galgaduud xili ciidamo ka socoda itoobiya ay weerareen Somali xolodhaqataa.
Dadkii ka hadlay xaflada oo aad u badnaa halkana anaan ku soo koobi karin ayaa si wada jir ah uga sinaa sida dadka deegaamada Gobolada dhexe ay yihiin dad u ooman Midnimo iyo Maamul taasina ay ku imaankarto iyaga oo is aamina isla markaana Garwaaqsada in xiligan ay u bahanyiniin maamul wax ka qabta baahida aasaasiga ah ee bulshada.
Fanaanka caankaa ee Miiraale iyo Jubba yare ayaa dadka ku madadaalinayay Heeso wadani iyo ciyaaro dhaqameed isugu jira.
Waxay xafladu ku idlaatay Jawi aad u xiiso badan.
Daawo Sawiradda: