Ciidanka Booliska Kenya, ayaa waxay karbaash iyo jirdilba kula kaceen dhalinyaro Soomaali ah, xilli hawlgal ay ka sameeyen duleedka Magaalada Garissa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Sawiradan waxaa ka soo muuqday dhalinyaro indhaha iyo gacmaha laga xir xiray, misena xabadka dhulka loo dhigay. Waxaana la arkaayay Sarkaal dhar shibil ah xiran, oo ul ku garaacaaya dhalinyaradaasi Somaliyeed.
Sarkaal Booliska Kenya ka tirsan oo muuqaalka sawirada ihi qaaday, ayaa wuxuu ku soo bandhigay barraha bulshada ku wada xiriirto, isagoona si jees jees ah u sheegay inay ka hortaggeen dhalinyaro xogta la wadaagi jirtay Ururka Al Shabaab.
Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ee ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari, ayaa waxay falkani ku sheegeen mid ka turjumaaya sida Ciidamada Kenya ula dhaqmayan dadka Soomaali Kenyanka ihi.
Qoraal uu soo saaray Taliska Booliska Kenya, ayaa waxay ku sheegeen baaritaano inay ku samayn doonaan Saraakiisha Booliska ka tirsan ee muuqaalkaasi ka soo muuqday.
Dhacdo ceynkani oo kala ah, ayaa waxay toddobaadkii hore ka dhacday Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari. Waxaana si adag kaga hadlay Xildhibaanada Somalida, ee ka tirsan Aqalka Baarlamaanka Kenya.
Tani waxay fadeexad hor leh ku noqonaysaa Ciidanka Kenya oo dhibaato joogto ah ku haaya bulshada Somaliyeed ee ku dhaqan Gobolkaasi. Waxaana tani lagu macneeyay mid dhalinyarada ku dhiiragelin karta inay ku biiraan Al Shabaab.
DAAWO SAWIRADDA: