Prof. Dufle Oo Ka Digay Qatarta sigaarka iyo waxyeelada caafimaadka Uu Ku Reebo.

0

31 Maajo 2015 oo ah waa maalinta loo asteeyey joojinta cabista sigaarka ee caalamka, taasoo looga gol leeyahay in bulshada caalamka lagu wacyigeliyo khatarta uu leeyahay ayaa bulshada Soomaaliyeed waxa uu Dr Dufle uga digay qatarta sigaarka.

Isticmaalka Tubaakada ama cabitaanka sigaarka waxay noqon kartaa : cabista sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, Shiishadda, tubaakada la ruugo ama la calaliyo, midda daanka la gashado, iwm. Intaasoo dhanba waa khatar haba ku kala badnaadeene.

Guud ahaan adduunyada cabista sigaarka ama isticmaalka Tubaakada waxaa lagu qiyaasaa 1.45 bilyan qof iney isticmaasho maanta. Ku dhawaad Hal bilyan (80%) waxay ku nool yihiin waddamada soo koraya.