DHAGEYSO:- Wasaarada Arimaha Gudaha oo shaacisay shaqada ay qaban doonaan Ergada Shirka Maamul U Sameynta G.dhexe.

0

Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegtay in shaqada Ergooyinka ku xareysay Hoolka ku yaallo Magaalada Cadado ay tahay ansixinta Dastuurka uu yeelanaayo Maamulkaasi, sidoo kalena ay soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Gobolada Dhexe.

Hadalkaan ayaa waxaa sheegay Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka hadlaayay Magaalada Cadaado, wuxuuna sheegay in shaqada Ergooyinka ay tahay kaliya ansixinta Dastuurka iyo soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Madaxweynaha uu yeelanaayo maamulka Gobolada dhexe ay soo dooran doonaan Xildhibaanada, balse ergada aysan wax shaqo ah ku laheyn doorashada Madaxweynaha.

Xildhibaanada uu yeealanaayo Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa la sheegaya inay tiro ahaan gaarayaan ilaa 63 Xildhibaan, inkastoo aan la xaqiijin karin tiradaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa door muuqato ku leh qorshaha Mamul u sameynta Gobolada dhexe ee dalka, xilli Cadaado xalay uu ku hooyday Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya.