DHAGEYSO WAREYSI:- Nabadoon Dhangad: “Liyu Bilis iyo UBO ayaa wada jir uxasuuqay shacabka Laba Baar”.

0

Waxgaradka Deegaanada Xuduudada Gobolka Galgaduud uu la wadaago Dalka Ethopia ayaa Masuuliyadda Xasuuqa shacabka dusha uga tuuray Ciidamada Liyu Boliska iyo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda UBO “ONLF”.

Nabadoon Cabdi Dhangad Warsame oo kamid ah waxgaradka Deegaanada lagu dagaalamay ayaa Allgalgaduud Media usheegay in ay ka xun yihiin xasuuqa lagu hayo shacabka, isagoona ugu baaqay beesha Caalamka iyo Dowladda Dhexe ee Ethopia in ay soo farageliyaan Xasuuqaasi.

Wariyaha Allgalgaduud Media ee Gobolka Galgaduud ayaa Nabadoon Dhangad Waraysigan la yeeshay.

Halkaan ka dhagayso: