Garabka Ahlu Sunna ee ku sugan Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa si cad waxa ay u sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay ka meer-meerayso dhaqangelinta heshiiskii Dowladda iyo Ahlu Sunna ku dhexmaray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah masuuliyiinta Ahlu Sunna ayaa Shirjaraa’id uu ku qabtay Magaalada Guriceel, wuxuu sheegay in balanta wada hadalka Dowladda iyo Ahlu Sunna ay aheyd in 10-maalin kadib la ambaqaado, balse Dowladda ay arintaasi iska indhatireyso.
Wuxuu sheegay Sheekh Maxamed Shaakir in Ahlu Sunna dhankeeda ay diyaar u yihiin xubnihii wada hadalka Dowladda uga qaybgali lahaa, balse ilaa hada Dowladda Soomaaliya aysan dooneyn buu yiri dhanqalka heshiiskaasi.
“Waxaan cadeynaynaa mudadii lagu wada hadlaayay ee ku qorneyd heshiiskii Maamulka Ahlu Sunna uu la galay Wasiirka Gaashaandhiga 10 maalmood gudaheeda wada hadalka furmo ayaa lagu balamay oo la saxiixay, waxaan cadeynaynaa inaan Ahlu Sunna heshiiskaasi kasoo baxnay wixii naga quseeyay oo si waafi aan uga soo baxnay, uu diyaariyay heshiiskaasi makaankii uu ku geli lahaa oo guddigii ka qaybgali lahaa uu diyaariyay, Dowladana uu ku wargeliyay, laakiin ay ka socon waayeen qodobadii lagu heshiiyay gabalkood Dowladda ka socon waayeen, sida wada hadalkii waqtigii loo qabtay inuu dhaco.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.
Sarkaalkaan Ahlu Sunna ka tirsan ayaa ku wargeliyay Beesha caalamka in masuuliyada wixii ka yimaada amuurahaasi ay qaadeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama dhankeeda ay ka gaabisay in la dhaqangeliyo qodobadii lagu heshiiyay.
Qodob ka mid ah qodobadii heshiiska ayaa dhigaayay in 10-maalmood ka dib la ambaqaado wada hadal u dhaxeeya Dowladda iyo Ahlu Sunna, inkastoo qodbadii kale ee heshiiska la dhaqangeliyay, sida xabad joojinta iyo in ciidamada Dowladda Dhuusamareeb dib loogu celiyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa hada ku mashquulsan Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya.
Hoos ka dhageyso: