Odayaasha dhaqanka Shirka Dhuusamareeb iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in wali isku mari la’yihiin halka lagu qabanayo Shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Afhayeenka Odayaasha Cabdi ladiif Maxamed Warsame ayaa sheegay in Beelaha ay doonayan in Shirka lagu qabto Dhuusamareeb halka Madaxweynaha uu sheegay in uu daneynayo Degmada Cadaado.
Ergada Dhuusamareeb ayaa habeen ka hor soo saaray Warsaxaafadeed ay kaga soo horjeesteen in Shirka Maamul u sameynta lagu qabto meel ka baxsan Magaalada Dhuusamareeb.
Halkaan ka dhageyso Afhayeenka Shirka.