Qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magalada Gaalkacyo ayaa wali waxaa fadhiyo biyo badan oo ay ka tageen roobabkii xalay ilaa shalay ka da’yay magalada Gaalkacyo.
Roobka Gu’ga ayaa meelo badan oo dhulka Puntland ah ka da’ay kuwaasoo dadka iyo duunyadu ay ku diirsadeen mana jirto wax dhibaato ah oo ilaa iyo hadda laga soo sheegay roobabki da’ay.
Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa warbaahinta uga waramay deegaanada uu roobku ka da’ay iyo khasaaraha uu geystay.
Halkan hoose ka daawo Sawirro laa soo qaaday roobkii ka da’ay magalada Gaalkacyo oo wadooyin muhiim ah biyo badan dhigay.