Warmurtiyeed kasoo baxay Shirka dib u heshiisiinta Beelaha ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu go’aamiyay in Shirka Maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud lagu qabto Dhuusamareeb.
Go’aankaan ayaa waxa uu ka horimaanayaa hadalkii Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu ku sheegay in Shirka Maamul u sameynta lagu qabanayo Degmada Cadaado.
Iyadoo la tixgalinayo Amaanka, dhexdhexaadnimada, rabitaanka Beelaha labada Gobol ayaa la isku raacay in Shirka uu ka dhaco Magaalada Dhuusamareeb, sida lagu yiri Warka kasoo baxay ka qeybgalayaasha Shirka.
Warka kasoo baxay Shirka Dhuusamareeb waxaa sidoo kale lagu shaaciyay in 25 Bishaan oo ku beegan marka uu soo dhamaado Shirka dib u heshiisiinta isla waqtigaasi uu Shirka kale ka furmayo Magaalada Dhuusamareeb.
Hoos ka dhageyso Codadka:
Hoos ka akhri war Murtiyeedka oo dhameystiran::