TOP DHAGEYSO:- Maraakiibta Sharci Darrada Uga Jallaabta Xeebta Hobyo Oo Loo Hanjabay.

0

Maamulka degmada Hobyo ee Gal-mudug ayaa sheegay in marnaba aanay gacmaha ka laaban doonin maraakiibta shisheeye ee caadeystay in ay xaalufiyaan Kheyraadka badda, gaar ahaan xeebta Hobyo iyo xeebaha kale ee ku dhaw halkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Degmadaasi Bashiir Cabdi Caddow ayaa sheegay, in digniin badan ay u direen dhammaan maraakiibta shisheeye iyo sidoo kale dalalka ay ka yimaadeen, wixii intaan ka dambeeyana ay tallaab ka qaadi doonaan.

Maamulka Gal-mudug ayuu sheegay in uu leeyahay ciidamada Badda oo aad u tababaran, islamarkaana haysta qalabkii ay ku howlgalayeen, waxaana uu tilmaamay in howlgal ka dhan ah maraakiibta ay qaadi doonaan.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in kalluumaysatada ku dhaqan Hobyo ay dhibaato ku qabaan maraakiibtaasi, hase ahaatee ay ka maamul ahaan u difaaci doonaan.

Ugu dambeyn gudoomiye ku xigeenka degmada Hobyo ee Gal-mudug ayaa sheegay in ilaa 7 doon oo laga leeyahay dalalka Iran iyo Yemen ay ku sugan yihiin xeebahaasi, balse ay digniin u direen wadada laga leeyahay Doonyahan.

Halkaan Hoose ka dhageyso: