Ayadoo warbaahinta dalka Kenya ay maalmahaan si weyn u hadal haysay sheekadda ku saabsan maqaayad weyn oo uu ganacsade u dhashay dalka Shiinaha ka furtay magaalada Nairobi oo loo diiday inay galaan dadka madowga ah ayaa hadda waxaa hadlay mas’uuliyiinta maqaayadaas waxaana ay sheegeen in sababta ay dadka madow ugu diideen maqaayadooda ay tahay inay nabad galaan Xarakadda Al-Shabab.
Esther Zhao waa maamumalaha maqaayaddaan waxaana uu mar uu la hadlayay wargayska Daily Nation uu sheegay inay dadka madowga ah uga mamnuuceen maqaayadooda inaan lakala garan karin inuu Al-Shabab yahay iyo in kale taasina ay keentay inayba iska joojiyaan in qof African ah uu maqaayadooda wax ka iibsado.
“Si aanu u bad baadino macaamiisheena kala duwan waxaanu ku fekernay inaanu Al-Shabab uga bad baadi karno inaanu iska joojino qof madow ah oo dhan” waxaa sidaas yiri Esther Zhao oo ah maamulaha maqaayadaas.
Mas’uulkaan Shiineeska ah waxaa uu sheegay maadaama Soomaaliya oo Kenya daris la ah ay Al-Shabab ku xoogan yihiin dalka Kenyana ay si joogto ah u weeraraan ay iskaba joojiyeen qof midabkiisu madow yahay si ay uga bad baadaan in Al-Shabab weeraraan maqaayadooda .
Wadayaasha taagaasida macaamiisha maqaayadaan geynaya ayaan loo ogoleyn inay gaadiidkooda gudaha maqaayada u galaan oo banaanka ayaa lagu celiyaa.
Wargayska warbixintaan qoray ee Daily Nation oo la xariiray mas’uuliyiin Kenyan ah ayaa waxay ku tilmaameen arrin jinsi faquuq ah oo uu ganacsadhaas ku kacay asagoo jooga magaalo ay dad Madow ah leeyihiin.
Dhanka kale dad badan ayaa aaminsan in ganacsadahaas uusan fahamsaneyn in Al-Shabab ay ku jiraan dagaalamayaal cadaan ah oo qaarkood kasoo muuqday muuqaalo ay Al-Shabab ka sameeyeen weeraro ay wadankaasi ku qaadeen.
Dhageyso warbixinta: