Madaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu horkacayo, ayaa waxay goor dhow ka deggeen Garoonka Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa diyaarad gaar ah ka raacay Garoonka Duulimaadyada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxayna si nabdoon ku gaareen Garoonka Dhuusamareeb.
Madaxweynaha waxa uu kulamo kula lee yahay Dhuusamareeb Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolada Dhexe, oo muddooyinkii ugu dambeysayba uu shir kaga soconayay Magaaladaasi.
Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolada Dhexe ee shalay uu shirku ugu soo gaba gaboobay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa xalay si cad u diiday in shirka Maamulka Gobolada Dhexe lagu qabto Magaalada Cadaado.
Madaxweynaha, ayaa waxaa lagu wadaa in Odayaasha Dhaqanka uu ka dhaadhiciyo inay aqbalaan tagista Magaalada Cadaado, si halkaasi loogu qabto shirka Maamul U Samaynta Goboladda Galgaduud iyo Mudug.
Dowladda Somaliya, ayaa waxa uu waqti badan kaga lumi doonnaa Dhismaha Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe, haddii aynaan Dowladdu la imaanin siyaasad wax ku ool leh.
Dowladda waxaa muddo sanad ku dhow uu kaga lumay arrimaha Magaalada Kismaayo iyo Dhismaha Maamulka Jubba. Sanad kalana wuxuu kaga lumay Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed. Waxaana la xusuustaa in Dowladdu ku jahwareertay kala jebintii Maamulada 6-da iyo 3-da Gobol ee Koonfur Galbeed.
Hoos ka dhageyso: