Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta tababar uso xiray Ciidamo ka tirsan Taraafikada Puntland,kuwaas oo tababar uu u socoday muddo dhan saddex Bilood.
‘’Waxaan isugu nimi innaan xirno tababarka mudada saddexda Bilood ah aad kuso qaadateen Dugsiga Xorgobole iyo Taliska guud,waxaa looga Gol-lahaa tababarka in la dardargaliyo shaqada Ciidamada Nabadgalyada Waddooyinka’’.Sidaa waxaa yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo la hadlayay Ciidamada tababrarka loso xiray.
Maxamed Siciid Jaqanad ayaa sheegay in ujeedada tababarka laga lahaa ay ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Ciidanka Taraafikada Puntland.
Wuxuu intaas ku daray ‘’….Waxaan ku guulaysanay innaan qaybaha Booliska Gobolada aan ka keeno Ciidamo,aana siino tababar si ay hadhow u buuxiyaan kaalinta ka dhimanayd Ciidanka Taraafikada ee ka shaqeeya Gobolada’’.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay in Ciidamada tababarka la siiyay laga soo xulay Gobolada Puntland,waxanaa uu ku booriyay inay Bulshada uga faa’iideeyaan tababarka ay qaateen.
Si kastaba ha ahate,arrimahan ayaa kuso beegmaya xilli Dawlada Puntland ay ku hawlan tahay tayaynta Ciidamada kala duwan ee Puntland.
Hoos Ka Dhagayso Codka;-