TOP DHAGEYSO:- Max'mud Siyid Aadan "Wax Jubba La Yiraahdo Kama Jirto kismaayo waa Beel Dadka Xasuuqaysa"

0

Xildhibaan Hore Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhaliilay hanaanka haatan loo soo xulayo xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hogaamiye Axmed Madoobe, isaga oo sheegay in aan loo dhameyn xildhibaanadaas.

Maxamuud Sayid , waxa uu tilmaamay in aysan jirin wax heshiis ah oo ku aadan xildhibaanadaan lasoo xulayo, taasina uu u arko marin habaabin dhanka shacabka ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Meeshaasi kama soo socoto wax umadda ay raali ka yihiin, maxaa yeelay hal bowli ah nirig xalaal ah ma dhasho, wax walba oo wado qaldan ku bilawdo waxay ku dhamaadaan wado qaldan” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Kismaayo ayuu ugu baaqay in halkaasi ay dib uga soo laabtaan, wixii khilaaf dhaqan ah ee jirana lagu xaliyo shirka Garbahaarey.

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxaa ka socota soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Kooxda Raaskanboniyiinta ee uu horoodayo axmed Madoobe, iyada Sidoo Kale Uu Halkaas Ku Suganyahay Maxamed Ugaas Xaashi Oo Sheegta inuu yahay ugaaska Beel weynta Sade, xili waxgarad, xildhibaanno iyo aqoonyahanno ay dhaliileen qaabka uu Axmed Madoobe wax kuwado.

Halkaan Hoose ka dhageyso: