Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Puntland ee Gobolka Sanaag Maxamed Ceydiid Oo ah Taliye cusub oo dhawaan loo magcaabay Ciidanka Sirdoonka Hay’adda PIA ee Gobolka Sanaag, Waxaanna xalay lagu dhaawacay Bar control oo ku taalla Duleedka Magaalada Garoowe.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Sirdoonka Puntland iyo mid kamid ah ilaalo la socotay ayaa dhawacmay kadib markii ay rasaas ku rideen Ciidan joogay Bar Kontrol oo ku taalla badhtamaha Magaalada garoowe habeenkii xalay ahaa, iyadoo la tilmaamay in arrintani ka dhalatay shaki iyo is faham la’aan dhex martay labada dhinac.
Dhinaca kalena Dadweynaha ku nool magaalada Garoowe ayaa xalay si weyn ay dhegohoodu u maqlayeen rasaas kala duwan oo ay jihooyin kala duwan ka ridayeen ciidamad amniga, hase ahaatee weli saraakiisha amnigu arrintan faahfaahin badan kamay bixin.
Madaxweyne Gaas ayaa Bishii February xil ka qaadis ku sameeyay Saraakiil ka tirsan Maamulkiisa.
Hoos ka dhageyso: