Xog: R/wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Maalmaha Soo Socda Ku Wajahan Magaalada Kismaayo…

0

Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedkeena ku sugan gudaha Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan In R/wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali iyo Wafdi Wasiiro ah ay maal maha soo socda ku wajhan yihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali uu kullamo la qaadan doono Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni, Kullamadaas oo looga hadlayo sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo wareedkeeka Qabsoomida shirkii Dib U Heshiisiinta dadka daga gobolada Jubbooyinka.

“Walaaloow R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali waxuu u tagayaa magaalada Kismaayo in uu qolyahan meesha joogaa u sheego in ay qabtaan shirkii Dib u Heshiisiinta dadka daga gobolada Jubbooyinka, waxaa sidoo kalena u Sheegay ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Nicholas Kay inay qabtaan shirka Dib U Heshiisiinta, Haddii aysan qabana wax alle waxay sheegaan ama sameeyaan cid aqoonsanaysaa majirto waana waqti ka dhumaya iyaga”. waa sida uu yiri Ilo wareedkeena.

Dhinaca kale Safarka R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali ayaa waxaa Ilo wareedkeena inoo xaqiijiyeen inay ku weheliyaan Xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Saraakiil Sare oo ka tirsan ciidamada…

Isku soo wada duuboo Ilo wareedkeena ayaa sidoo kale sheegay Safarka R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali ku tagayo magaalada Kismaayo hadii aysan ka soo bixin wax miro dhal ah ama aan la qaadan talooyinka uu u jeedinayo Horjoogeyaasha Raaskambooni, waxaa cadaanayso sida ay dad badani qabeen in Horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ka soo horjeedaan Geedi socodka Nabada iyo Horumarka Gobolada Jubbooyinka, waxaana dhacaysa in Dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Deeq Bixiyeyaashaba ay qaadaan talaabooyin ad adag oo wax looga qabanayo Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni..