Koox Hubeysan ayaa Xalay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ku Toogtay Macalin Dugsi Qur’aan ,waxaana Wararku ay sheegayaan in Dilkaasi ay geeysteen Rag Bastoolado watay.
Macalinka ayaa Dhaawac ahaan loo la Cararya Isbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho,iyadoona uu Dhaawacaasi u geeriyooday.
Goobjoogeyaal ayaa Radio Kulmiye usheegay in Ragii Dilka geeystay ay Goobta ka Baxsadeen.
Sidoo kale Gabar kamid Dadka Degaanka ayaa lagu dhaawacay Degmada,iyadoona la sheegay in Koox Tooreeyo ku hubeysan ay Dhaawacen.
Maamulka Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir wali kama hadlin Dhacdooyinka ka dhacay Degmad Dharkeynley.
Halkaan Hoose ka dhageso Codka: