Hordhaca El-Clasico: Barcelona vs Real Madrid: Xifaaltanka MSN vs BBC & Hogaanka Horyaalka La Liga.

0

El-Clasico

Caawa waxaa dhici doona kulanka ugu weyn kubada cagta sida dadka cilmiga u leh kubada cagta ay tilmaameen waana kulanka loo yaqaano El-Clasico ee dhexmara kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

Sida rasmiga ah labadaan kooxood waxey sanad walba is arkaan Laba kulan, inkastoo siyaado ay jiri karto hadii ay isku beegmaan tartamada kale ee ay ka qeyb galayaan waase lagama maarmaan iney labadaas kulan isku arkaan Horyaalka La Liga.

Real Madrid sanadkaan 2015-ka ma ahan mid u fiican madama ay gaabisay xawaarihii ay ku socotay sanadii hore, walow Barcelona ay iyana madaxa lasoo kacday sanadkaan madama sanadii hore ay hurdo dheer gashay.

Sidoo kale weeraryahanada xifaaltama ee MSN iyo BBC ayaa iyaguna kala duwanaasho ay ka jirtaa madama wiilashii sanadkii hore dunida kow ka ahaa ee BBC ay hoos u dhac muujiyeen sanadkaan bilowga ah halka MSN ay iyaguna sare u kac bilaabeen.

Barcelona iyo Real Madrid waxaa u dhaxeeya farqi hal dhibic ah, Barca ayaana hogaanka haatan heysa iyadoo Real Madrid ay kusoo xigto, waana kulan xasaasi u ah marka la fiiriyo hogaanka horyaalka La Liga iyo inuu marayo heerarkii ugu dambeeyay.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Barcelona vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Garoonka: Camp Nou

Garsoore: Mateu Lahoz

Saacadda: 11:00 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Sergio Busquets ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto kooxda Barcelona kadib markii uu dhawac ku seegay kulamadii Eibar iyo Manchester City, balse Vermaelen iyo Montoya ayaa seegi doona kulankaan. Dhanka kale Real Madrid kaliya waxey weyneysaa wiilkeeda reer Colombia James Rodriguez kaas oo mudo dheer dhaawac ah ku maqnaan doona. Luka Modric iyo Sergio Ramos ayaa diyaar ah kuwaas oo kusoo bilowday kulankii Levante ee sabtidii ay 2-0 ku garaaceen. Ma Jiro xidig kale oo dhaawac iyo ganaax kaga maqan labada kooxood, safka koox walba ugu macquulsan ayaana u diyaarsan iney lasoo shirtagaan. 

KULAMADA LABADA KOOXOOD:

Guud ahaan kulamada rasmiga ah ee labadaan kooxood waa 228-kulan, Real Madrid ayaa guul gaartay 92-jeer, halka Barcelona ay guul gaartay 88-jeer, 48-jeerna barbaro ayey galeen.

Horyaalka La Liga waxey kulmeen 169-jeer, 71-jeer waxaa badisay Real Madrid, halka Barcelona ay badisay 66-jeer, 32-jeerna barbaro ayey galeen,

Tartanka Horyaalada Yurub (UCL) waxey kulmeen 8-jeer, 3-jeer Real Madrid ayaa guul gaartay, 2-jeer Barcelona, halka 3-na ay barbaro galeen.

Copa Del Rey waxey kulmeen 33-jeer, 14-jeer Barcelona ayaa badisay, 12-jeer Real Madrid, halka 7-jeer ay barbaro galeen.

Supercopa de Espana waxey kulmeen 12-jeer, Real Madrid ayaa badisay 6-jeer, 4-na Barcelona, halka 2- ay barbaro galeen.

WADARTA GURI KA GURI:

Guud Ahaan Real Madrid gurigeeda waxey labadan kooxood ku wada ciyaareen 115-kulan, 66-jeer Real Madrid ayaa badisay, 24-jeerna Barcelona halka 25-jeer ay barbaro galeen.

Guud Ahaan Barcelona gurigeeda waxey labadan kooxood ku wada ciyaareen 113-kulan, 64-jeer Barcelona ayaa badisay, 26-jeer Real Madrid, halka 23-jeerna ay barbaro galeen..

SHANTII KULAN EE UGU DAMBEYSAY IYO NATIIJADOODA

2014-10-25    Real Madrid   3-1      Barcelona       Liga BBVA 14/15

2014-04-16    Real Madrid   2-1      Barcelona       Copa Rey 13/14

2014-03-23    Real Madrid   3-4      Barcelona       Liga BBVA 13/14

2013-10-26    Barcelona       2-1      Real Madrid   Liga BBVA 13/14

2013-03-02    Real Madrid   2-1      Barcelona       Liga BBVA 12/13

XAQIIQADA KULANKAAN:

Kaliya laba guulood ayuu tababare Carlo Ancelotti ka gaaray Barcelona tan iyo markii uu talada kala wareegay Jose Mourinho afar kulan ayuuna ka hor yimid.

Xidiga u calaamada badan kulanka labadaan naadi waa halyeeygii hore Real Madrid haatana ah caawiyaha Ancelotti Fernando Hierro (18-jaale iyo hal rooso), xidigaha haatana waxaa ugu kaar badan Sergio Ramos oo qaatay (14-jaale iyo 2-rooso).

Lionel Messi ayaa ah xidiga ugu goolasha badan kulankaan El-Clasico wuxuuna dhaliyay 21-gool, halka Cristiano Ronaldo uu leeyahay 14-gool.

Tababare Luis Enrique ayaa ciyaaray 32-kulan oo El-Clasico ah (1991-1996) Real Madrid, halka uu Barcelona matalayay (1996 – 2004).

Xidiga ugu safashada badan kulankaan waa  Paco Gento oo saftay 44-kulan waana halyeey Real Madrid soo maray, xidigaha haatana waxaa ugu safasho badan Xavi 41-kulan, Casillas= 36-kulan, Iniesta 30-kulan Messi 29-kulan.

Real Madrid ayaa dhalisay 338-gool, dhamaan kulamadii ay la ciyaartay Barcelona waxeyna 16 ka badan tahay Barcelona oo dhalisay 372-gool.

Karim Benzema ayaa dhaliyay goolka ugu dhaqsiyaha badan kulanka labadaan kooxood 22-second ayuuna gool uga dhaliyay Barcelona (2011).

Qiyaasta tirada dadka xiiseeya kubada cagta ee kulankaan ka daawanaya Aduunka dacaladiisa waxaa lagu qiyaasay 500 Malyan (Shan Boqol Malyan).

720 Malyan Oo Euro ayaa lagu qiimeeyaa xidigaha Real Madrid ee haatan, halka Barcelona xidigaheeda lagu qiimeeyo 600 Malyan Oo Euro.

LINE UPKA MACQUULKA AH:’

Barcelona:

Bravo, Pique, Mascherano, Alves, Alba, Rakitic, Iniesta, Xavi, Messi, Neymar, Suarez

Real Madrid:

Casillas, Ramos, Pepe, Marcelo, Carvajal, Modric, Isco, Kroos, Bale, Benzema, C. Ronaldo