TOP DHAGEYSO:- Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Degdeg Lagu Dhisayo.

0

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa rajo wanaagsan ka qaba in muddo Laba Todobaad ah kusoo dhisaan baarlamaanka maamulkaasi.

Cabdiqaadir Abukar Ibraahim oo ka mid ah sugayaasha xildhibaanada baarlmaanka maamulkaasi ayaa sheegay , in Odayaasha ay soo dhameyn doonaan soo xulista xildhibaanada.

Todobaadka maanta bilawga ah ayuu sheegay in Odayaasha dhaqanka qaarkood oo fasax ku maqan ay tagi doonaan magaalada Baydhaba, islamarkaana ay soo gaba gabeyn doonaan howsha xildhibaanada.

Soo xulista xildhibaanada baarlmaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa loo eegi doonaa dhanka beelaha oo wax lagu qeybsanayo, waxaana Laba Todobaad gudahooda la filayaa in lasoo gaba gabeeyo howshaan.

Halkaan hoose ka dhageyso: