TOOS DHAGEYSO:- Biyo La’aan Ka Taagan Deegaano Hoostaga Dagmadda Balanbal Ee Gobolka Galgaduud

0

Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in deegaano ka mid ah gobalkaasi ka taagan tahay xaalad biyo la’aan oo aad u daran.

Deegaanada ugu daran ayaa ku yaalla dhanka Waqooyi ee gobalka Galgaduud, waxaana taasi saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan.

Gudoomiyaha degmada Balanbal Hareeri Xasan Barre ayaa sheegay in dadka ku dhaqan deegaanadaasi ay  u baahan yihiin gurmad biyo dhaamin deg deg ah.

Halkii Fuusto ee biyo ah ayuu sheegay in la iibiyo qiimo dhan 70-kun oo shilin Soomaali ah, dadka qaarna aysan awoodin lacagtaasi.

Gudoomiyaha ayaa Arrintani ku sheegay in ay si siman u wada saameysay dad iyo duunyo wixii ku nool Balanbal iyo hareeraheeda, isaga oo dalbay gurmad biyo dhaamin deg deg ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso: