Xog: Xassan Sheekh iyo Kooxda Damjadiid oo la wareegay shaqada Guddiga Farsamadda Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe.

0

Madaxweyne Hassan Sheikh oo intuu hayey talada Dalka cuuryaamiyey hawlihii dalka ayaa si sharci daro ah u qaatay shaqo ay lahaayeen guddiga farsamadda maamul u samaeynta Gobolada Dhexe, Madaxweyne Hassan Sheikh oo doonaya inuu afduubo shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe ayaa isaga dhawaaqay in madasha shirka maamul sameynta tahay Magaalada Cadaado. Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa ku hanjabay inuu shacabka Gobolada dhexe u isticmaali doono ciidamada Jabuuti si uu rabitaankiisa u guuleysto.

Warqadda ay ku cadahay shaqada Guddiga Farsamadda ayaa qodobkeeda 1-aad fiqrada H waxaa ay qoreysaa in guddiga farsamadda go’aan ka gaarayaan Madasha Shirka maamul u sameynta gobolada dhexe.

Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa saaxiibadiisa Damjadiid u sheegay inuu Madaxweynaha Jabuti Ismail Omar Gele kula heshiiyey inuu ku taageero ciidamo loo geeyo magaalada Cadaado si qorshaha kooxda ee ah in Musharaxa Damjadiid ugu dhawaaqaan inuu guuleystay halkaa looga sameeyo.

Odoyaasha Dhaqanka Gobolada Galgaduud iyo Mudug oo haatan shirku uga socdo Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inaan cidina ku qasbi karin meel aysan iyagu go’aansan , madasha shirkana go’aan ka gaari doonaan marka shirka dib u heshiisiinta beelaha Gobolada dhexe dhamaystiraan 25/03/2015.
Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa horey ugu fashilmay in shirka maamul sameynta ka bilaawdo magaalada Cadaado, odoyaasha Dhaqanka Gobolada dhexe ayaa RW Omar Abdirashid u sheegay in dawladdu ku taageerto rabitaanka shacabka maadaama uu dalku federal yahay.

Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Wasiirka Arimaha Gudaha odowaa ayaa maalmahaan bilaaway inay xubnaha aan ka tirsaneyn Damjadiid wareegtooyin lagu bedelayo soo saaraan, wareegtooyinkaas oo madaxda guddiga farsamadu ku gacan seyreen, Guddiga Farsamada ayaa sheegay in laba qodob ay xubnaha guddiga ku weynayaan kamid ahaansahooda guddiga Farsamadda, labadaas qodob oo kala ah:-


1- In odoyaasha dhaqanka beesha uu metelayo si mideysan u soo gudbiyaan qoraal ay ku codsanayaan in xubintaas laga bedelo.
2- In uu gudan waayo shaqadiisa guddiga farsamadda, iyada oo markaana xubinta bedelaysa kaliya ay keensan karto beesha uu kasoo jeedo

 Lifaaqa waa Shaqada guddiga Farsamada oo ay ku cadahahay shaqadooda oo uu doonayo inuu isagu qaato

Shaqada Guddiga Farsamada Page 1

Shaqada Guddiga Farsamada Page 2

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media