Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Garoomadda Ee Dowladda Puntland Ayaa beenisay in Musuq Maasuq Lagu Sameeyay Qarashaadkii Loogu Talagalay Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Bosaaso, Oo Xiligan Dib Udhis Lagu Wado.
Wasiirka Wasaaradda duulista Hawadda iyo Garoomadda Ee Puntland Xasan Xaaji Siciid Oo La hadlayay warbaahinta Gudaha ayaa beeniyay warkaasi sheegaya in la musuq maasuqay Qarashaadkii loogu talagalay dhismaha garoonka diyaaraha ee magaaladda boosaso.

“Arintaasi waa mid dacaayad ah, garonka waa caalami howlahiisinna si wanaagsan ayeey usocdaan, waxaan filayaa dad aan rabin hormarka puntland ayaa warkaan Ku Qoroy internet-ka, Mana jidho cid wax musuq maasuq ah ku sameysay Qarashadkii loogu talagalay garoonka diyaaradaha ee magaaladda boosaso’ Ayuu yiri Wasiirka Duulista Hawada ee puntland Xasan xaaji siciid.
Sidoo kale wasiirka oo ka warbixinayay qaabka uu usocda dhismaha garonka diyaaradaha ee magaaladda boosaso ayuu sheegay in meel wanaagsan uu marayo dhismaha garoonka Wuxuunna Xusay in Naqshaddii Garoonka La Sameeyay Lana Soo gaba Gabeyn doonno inta Uusan Dhamaan sandkan hadda Aan Ku Jirno Ee 2015.
“Shaqaddo Si fiican ayeey usocotaa garonka dhismihiisana waa labo waji oo xitaa asagoo shaqaddu ku socoto wajigga Labad ayeey duulimaadyaddo bilaaban doonaan, Sida Qorshuhu yahayna inta uusan dhamaan sanadka ayaan soo gaba gabeyn doonnaa” Ayuu hadalkiisa Ku Soo Diray Wasiir Xasan Xaaji.
Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Boosaso ayaa waxaa Dhismihiisa Gacanta Ku haysa Shirkad Chenais-Ah Ah Oo Ku Guleysatay Tartankii Ay Galeen Qaar Kamid ah Shirkadda Ka Howlgalla Deegaanadda Puntland, Waxaanna Hadii La Dhameystirro Uu Sahli Doonaa iney Xitaa Ka Soo Dagaan Diyaaradaha Waa Weyn Ee xamuulka Qaadda.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga: