TOP DHAGEYSO:- Maamulka Degmada Afgooye Oo Wada Qorshe Dib Loogu Habeynayo Wadooyinka Degmadaasi.

0

Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa wada qorshe ballaaran oo dib u habeyn loogu sameynayo wadooyinka gala, kana baxa degmadaasi, iyadoo hadda si horudhac ah loo bilaabay dhismayaal Laami.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee maamulka degmada Afgooye, ayaa sheegay, in hadda ay dhisayaan wadada isku xirta Afgooye iyo deegaanka Carbiska, sidoo kalena kuwo kale ay habeyn doonaan.

Waxa uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka in sidoo kale wadooyinka dhex mara degmada Afgooye iyaga oo shacabka kaashanaya la hagaajin doono.

Gudoomiye Ismaaciil ayaa inoo sheegay in dhismaha wadooyinkaan ay gacan ka geysanayaan maamulka Koonfur Galbeed iyo Iskaashatada gaadiidleyda.

Burbur xoogan ayaa ka muuqday wadooyinka gala degmada Afgooye ee Gobalka Shabellaha Hoose, hase ahaatee hadii ay dib u dhismaan waxaa sahlanaanaysa isticmaalka dadka shacabka ah iyo gaadiidka ay wataan.

Halkaan Hoose ka dhageyso: