Saraakiisha Maamulka Ahlusunna ee Magaalada Gurceel Gobolka Galgaduud ayaa soo saaray Amaro Adag oo lagu xaqiijinayo Amaanka Magaalada Gurceel.
Amarka ka soo baxay Ahlusunna ayaa ah in la diiwaan galiyo dadka soo galaya Magaalada islamarkaana ay Xarumaha Amniga Maamulka u qabilsan iska diiwaan galiyaan.
Taliyaha Ciidamada Ahlusunna Ee Magaalada Gurceel Galad Cumar Qeyliye ayaa sheegay in Qorshahaan uu yahay mid lagu Xaqiijinayo Amaanka Magaalada islamarkaana la Aqoonsado dadka soo galaya Magaalada.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: