TOP DHAGEYSO:- Xildhibaan Dalxa “Gudiga Arimaha Dibadda Baarlamaanka Lugaha Ayuu Ka Xiran Yahay”

0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha dibadda baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliil u jeediyay wasaradda arimaha dibadda, taasi oo ku aadan la tashi la’aan iyo tixgelin aanu haysan gudigooda.

Waxa uu xildhibaanka sheegay in gudigooda aan la tixgelin marka ay yimaadaan shaqooyinka arimaha dibadda oo dhankooda waajibka ka saaranyaay, islamarkaana ay yihiin kuwo lugaha ka xir xiran waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaan Dalxa ayaa dhinaca kale sheegay in aanay jirin ka faaideysasho ku aadan dhanka shirarka loo baxo, lana safrayo iyadoo aan ajande lasii diyaarsan ama aan xog laga haysan safarka loo baxayo.

“Waxaa dhacday in gudiga arimaha dibadda uu lugaha ka xiran yahay, wasaaradda arimaha dibadda kaligeed ay faniineyso, hadba meel u socoto, baarlamaano ayaa jira oo dunida carabta, afrika, caalamka ka tirsan, hadana looma tixgeliyo, waxaa dhici karta qaraaro badan oo baarlamaanka Jaamacadda carabta dhexyaalo una baahan in looga faa’ideysato aqoon iyo waayo aragnimo iyo xog ay iyagu hayaan, inay dhacdo inaan lasoo marin xitaa aan wax laga weydiin, iska baxaan wufuud iyaga oo qaraaro ama ajende ka horeen fikradna ka haysan” ayuu yiri Xildhibaanka.

Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa sheegay in gudiyada baarlamaanka aanay jirin bajad ay leeyihiin muddo Sanad ahna taasi ay taagan tahay, isaga oo caqabad jirta ku sheegay arinkaan.

Halkaan hoose ka dhageyso: