TOP DHAGEYSO:- Qoysas Farabadan oo isaga Barakacay Dagmadda Buurhakaba Ee Gobalka Baay.

0

Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobalka Baay ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay Biyo la’aan baahsan, taasi oo keentay in Qoysas badan ay halkaasi ka barakacaan.

Shacab badan ayaa la sheegay in ay gaareen magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, ka dib markii ay u adkeysan waayeen biyo la’aanta xilligaan jirta.

Axmed Sheekh Maxamed oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee maamulka degmadaasi ayaa u sheegay Warbaahinta, in xaaladda biyo la’aanta ah ee halkaasi ka jirta ay tahay tii ugu darneyd ee ebed halkaasi ka dhacda.

Dadka ayuu sheegay in biyaha ay ka isticmaali jireen Warbiyood, hase ahaatee Wartii Biyaha ay ka dhamaadeen.

Qiimo ahaan waxa uu sheegay in Fuustadii biyaha la iibiyo lacag dhan 100-kun oo shilin Soomaali ah, dadkana ay maalinba maalinta ka dambeysay ay degmada ka barakacayaan, maadaama aysan awoodin bixinta lacagtaasi.

Axmed Sheekh ayaa dhinaca kale sheegay in wasiiro ka mid ah maamulka Koonfur Galbeed ay gaareen halkaasi, ayna indha indheeyeen biyo la’aanta halkaasi ka jirta, ayna sheegeen in deg deg wax uga qaban doonaan xaaladaan ka jirta degmada Buurhakaba.

Halkaan hoose ka dhageyso: