Saraakiisha ciidanka dowladda ee gobalka Jubada Hoose ayaa ku eedeeyay Kooxda Raaskanboni in uu ku lug leeyahay ka qeybqaadashada dhibaatooyin ka jira Magaalada Kismaayo ee xrunta gobalkaasi.
Korneel Cabdiwahaab Aadan oo lasoo xiriiray Warbaahinta Muqdisho, waxa uu sheegay in ciidamada Jubba ay kordhiyeen xadgudubyada dadka shacabka Oo Ku Soo Badanaya magaaladaasi kismaayo.
Waxa uu tilmaamay in habeenadii ugu dambeeyay magaalada Kismaayo laga qafaashay 12 Haween ah oo uu tilmaamay Korneelka in guryahooda loogu dhacay, kuwaa oo illaa iyo haatan wax war ah aan laga hayn.
Sidoo kale Korneel Cabdiwahaab ayaa sheegay in Kooxda Raaskanboni Ay Dekadda Magaalada Kismaayo ku wareejiyay shirkado ajnabi ah, kuwaa oo uu ku eedeyay in xaalufin ay ku hayaan Kheyraadka badda Soomaaliya.
Halkaan hoose ka dhageyso: