Ergayga Gaarkaa ee Xoghayaha Guud QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nikolase Kay oo lahadlay Idaacada VOA Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in aysan Beesha caalamka Aqbali doonin in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameystaan Mudo Kororsi waqtiga u harsan Markii uu idlaado.
Kay ayaa sheegay in Mudada u harsan Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay Dardar galiso Shaqooyinka horyaala oo ay kamid yihiin Sameynta Maamul Goboledyada Dalka iyo Afti u qaadista Dastuurka Qabyo qoraalka ah iyo Xasilinta Amaanka Dalka.
Sidoo kale Ergayga gaarkaa ee QM u qaabilsan Soomaaliya Mr Kay ayaa Xusay in Dowladaa Soomaaliya ay jirto waxyaabo badan oo ay qabatay islamarkaana lagu amaani karo mudadii ay jirtay.
Hadalka Nikolase Kay ayaa imaanaya ,xili Dowladda Soomaaliya ay isku diyaarineyso Doorashooyin Madaxtinimo oo Sanadka 2016 lagu wado Dalka in ay ka dhacdo.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: