TOOS DHAGEYSO:- Maamulka Khaatumo Oo Ka Warbixiyay Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Gaaray Degmada Buuhoodle.

0

Maamulka Khaatumo State ayaa faah faahin ka bixiyay ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaan gaaray degmada Buuhoodle ee gobalka Sool, taasi oo hadal hayn badan keentay.

Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka maamulkaasi Maxamuud Cali, waxa uu sheegay sabata ciidamadaasi ay halkaasi u tageen iyo uljeedkooda.

Waxa uu tilmaamay in ciidanka Itoobiya ay magaalada Buuhoodle dhinac ka degeen, islamarkaana ay markii hore soo raadiyeen nin uu sheegay in loo maleeyay xiriir inuu la leeyahay Al-shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in hadda maamulka Khaatumo iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya ay u socoto wadahadal, islamarkaana saacadaha soo aadan wada hadalka uu dhammaan doono.

Dhawaan ayaa degmada Buuhoodle waxaa tagay ciidamo Itoobiyaan ah, iyaga oo weerar ku qaaday mid ka mid ah macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka halkaasi ku dhiga, ka dib markii ay sheegeen in uu ka mid yahay Al-shabaab, hase ahaatee waxaa halkaasi ka baxsaday macalinkii.

Halkaan hoose ka dhageyso: