Shir jaraa’d oo lagu daah furaayay labadaan adeeg ee cusub ee kala ah Xogmaal iyo Hoodo ayaa maanta lagu qabatay xaraunta ugu wayn shirkada is gaarsiinta Golis Telecom Somaliya ee magaalda Bosaso ee xarunta gobalka Bari
Kulanka daah furka adeegayadan waxaa ka qaybgalay qaar kamid ah madaxda shirkada isgaarsiin ee Golis, gaar ahaa hugaanka Ganacsiga iyo Madaxda xiriirka da’dwaynaha iyo qaybta Suuqgayna ee shirkada Golis
Madaxa waaxda Xiriirka da’dwaynah shirkada isgaarsiinta Golis Sheekh Fu’aad Maxamed xaaji Ugu horeen shirka jaraa’d ka hadlay faa’iidada Adeega Xogmaal oo Ah adeeg kuu sahlaayo in aad hesho wararka ka dhaca puntland ,Somali iyo guud ahaanba caalamka iyo maqaalo kooban oo ka hadlaya Diinteena suuban, dhaqaalaha iyo ganacsiga, Caafimaadka, Technologiyada, Layaabka dunida, iyo qurmooyin kale oo xiisa badan kuwaas oo loogu talagalay macaamiisha inay waciyga kula socdaan.
‘’adeega xogmaal waad adeeg runtii aad iyo aad u anfici doono macaamiish, waa adeeg aan hubo in cidwalbo oo isticmaasha ay jeclaan doonto , waa adeeg iskuxiri doono shirkada iyo macaamiish” Ayuu yiri Sheekh Fu’aad
Shiikh Fu’aad Maxamed xaaji madaxa waxda xiriirka da’dwaynaha ee shirkada Golis Ayaa docda kale ugu bishaareeyay macaamiisha shirkada Golis In adeegan Xogmaal uu yahay adeeg lacag la’aan ah ,waxaana uu sheegay in uu yahay adeeg loogu danaynaayo Macaamiisha Golis
Sidoo kale Adeega Hoodo oo ah ah adeeg muhiim ah oo ardayda iyo waalid kooduba ay kala socon karaa natiijada imtixaanka Dugsiya iyo Jaa macada ayaa manta shirka jaraa’id lagu daah furay
Madaxa Suuqgaynta Shirkada Golis Telecom cabdiraxmaan cabdulaahi Jaamaca ”Dayax ”Ayaa ku sheegay adeegan Hoodo mid isku xiraaya bulshada iyo goobaha waxbarashada ,waana Adeeg sida uu sheegay macna wayn ugu fadhiya goobaha waxbarasha iyo bulshaduba
Cumar Ciise Maxamed ”Faaruuq” oo ah hugaanka Ganacsiga ee shirkada Golis Telecom Somali oo soo gabgabeeyay shirka Jaraa’id Ayaa xusay in shirkada adeegyadan ay usamaysa y Xaqiijinta hadafkii shirkada ee ahaa in macaamiisha ay ay la jaanqaadaan hormarka caalamka
Si kastaba ha ahaatee labadaan adeeg ee Xogmaal Iyo Hoodo Ayaa Ah adeegyo muhiim ah oo ay macaamiisha shirkada Golis tabaayeen , waxaana adeegyadan ay qayb ka yihiin adeegyada casriga ah ee shirkada Golis Telecom maalinba maalinta ka danbaysa ay usookordhinayso macaamiisheeda.
Yuusuf Abdi shire
Boosaso, Bari Puntland.
Daawo sawiradda: