Safaaarada Mareykanka uu kuleeyahay Magaalada Jabuuti aya kudhawaaqday in ay joojisay shaqadii ay kaheysay dalkaasi kadib markii cabsi dhanka amaanka ay soo wajahday safaarada oo kaga imaankarta Xarakada A-shabab ee Somalia ka dagaalanta.
Muwaadiniinta Mareykanka ayaa lagu wargaliyay sida kuxusan warqada safaarada kasoo baxday in ay dhamaan safaaradu joojisay shaqada si looga fejignaado weeraro argagixiso oo safaarada lagu qaado.
“Muwaadiniinta Mareykanka waxaan ku boorineynaa in ay taxadar weyn ay muujiyaan ayna ka taxadaraan amaankooda” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday safaarada Mareykanka .
Xiritaanka Safaarada Mareykanka ee Jabuuti ayaa timid saacado kadib markii Sheekh Xasaan Xuseen oo Al-shabab taageera kuna sugan wadanka Kenya uu iclaamiyay in Bayco lala galo hogaamiyaha Dacish Abuubakar Al-Baghdadi ay tahay mid sax ah uuna ku tilmaamay qaar kamid ah hogamaiyaasha Al-Qaeda katirsan in si qaldan ay u xugmiyeen Khaliifada Islaamka ee Ciraaq iyo Syria.
Sheekh Xasaan Xuseen ayaa loo aamisanyahay in uu yahay Wadaad ruuxi ah oo soo saara fadwooyinka lagu taageerayo weerarada Xarakada AL-shabab ay ka geystaan gudaha dalka iyo wadamada dariska ah.
Bishan gudaheyda waxaa banaanka yimid warar sheegaya in Shababka hogaamiyaashoodu ay ku kala aragti duwanyihiin in shababku ay ku biiraan Dacish ama ay qeyb kasii ahaadaan kooxda Al-Qaeda.
Alshabab ayaa sheegtay masuuliyada weeraro ismiidaamin ah oo kadhacay wadanka Jabuuti bishii May ee sanadkii hore.
Hoos ka dhageyso cod:
i