LIVE DHAGEYSO:- Ciidamadda Amisom Oo Saacadaha Soo Socda Ku Wajahan Cadado.

0

Degmada Cadaado oo uu ka soconayo Qaban qaabada Shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa lagu wadaa in Maalinta Barri ah ay gaaraan Ciidamo ka socda Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kuwaas oo ilaalin doona Goobta Shirka lagu qabanayo  ee Degmada Cadaado.

Cuuke Xaaji C/raxmaan oo ka tirsan Gudiga Farsamada Maamulka Gobolada Dhexe islamarkaana Dhanka Amniga u qaabilsan ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay Barri Degmada imaanayaan ,waxaana uu sheegay in Magaalada Baledweyne ay ka soo baxeen Ciidamad Sugaya Amaanka Madasha Shirka.

Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa la filayaa in 25-ka Bishaan ay uu ka Furmo Shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud sida ay shaaciyeen Gudiga Farsamada.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: