Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowladdii Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in Amaanka Caasimadda Muqdisho uu ku yimid Habac islamarkaana ay ka dhaceen Falal amaan daro.
Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud ayaa Habaca ku yimid Amaanka muqdisho u sababeeyay Khilaafyadii ka dhashay Xukumaddii C/wali Sheikh Axmed iyo Taliyaal Ciidan oo Xilalkii laga qaaday.
“Waxaan soo jeedinayaa in Amaanka Caasimadda Soomaaliyeed Muhiimad la siiyo oo laga hortago Weerarada Al-shabaab ay ka geeystaan Caasimadda.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay Qaraxyo iyo Dilal Qorsheysan oo aysan jirin Tilaabo Cadd oo laga qabtay.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: