TOP DHAGEYSO:- Kulan Looga Hadlayay Amaanka Oo Lagu Qabtay Boosaso Kadib Mar……

0

Kulan Looga Hadlayo Amaanka Ayaa Maanta Lagu Qabtay Xarunta Dowladda Hoose Ee Magaaladda Boosaso, Waxaanna Kulankaasi Goobjoog Ka Ahaa Madaxda Laamaha Amaanka Ee Gobolka, Kan Dagmadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee Magaaladda Boosaso.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen Oo Ka Qeybgalay Shirkaasi Ayaa Goordhow La Hadlayay AGG, waxaana Uu sheegay in kulankaan diiradda lagu saarayay doorka dhaqanka ee nabad galyadda, Ayadoo Xiliyadda Habeenkii ah Ay Ku Soo Badanayaan Xaafadaha magaaladda Dhalinyarro Falal Amaan Darro Geysanaysa iyo iyagoo Loo Adeegsanayo Falal lid Ku Amaanka sida Uu Sheegay Taliyaha.

Taliye Cabdixakiin Yuusuf Xuseen
Taliye Cabdixakiin Yuusuf Xuseen

Dhanka Kale Taliyaha Ayaa Ugu baaqay Waalidiinta Dhalay Caruurta Ee Falalkan Ku Howlan iney ka warqabaan caruurtoodda oo aysan saamixi doonin xiliyadda ay ugu yimaadaan Xarumha Saldhigyadda ee lagu soo xirro.

Ugu Danbeyna Taliyaha Ayaa sheegay in Ciidamadda amaanka Gobolka Bari ay Heegan buuxa Ugu Jiraan Sugidda Amaanka Magaaladda Xudunta U Ah Gacanacsiga Puntland Ee Boosaso, iyadoo Muddooyinkii Udanbeeyay Ay ka Dhacayeen Falal isugu Jirra Qaraxyo Gacanta Laga Tuurro iyo Weerarro Loo Geysanayo Ciidamadda amaanka ee Bosaso.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Oo Uwaramay Wariye Yuusuf Cabdi shire Oo Bosaso Nooga soo waramay.