TOP DHAGEYSO:- Galmudug Oo Maanta Baaq Adag Ka Soo Saartay Galkacyo.

0

Maamulka Galmudug ayaa ka digaya xaalufka ba’an ee lagu hayo Bey’ada gobolkaas, kadib markii ay sii korortay heerka  jarista Dhirta loo bedelo Dhuxusho ee Gobolkaas.

Maamulka Galmudug waxa uu si gaar ah  digniin ugu jeedinayaa dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool gobolkaas, oo waxa uu u sheegay in ay dhirtu ku manaafacaadaan iyaga iyo duunyadooda, saas daraadeedna ay la gudboon tahay in ay ka dhacsadaan dadka Xaalufinaya.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee maamilka Galmudug, Aweys Cali Saciid, ayaa sheegay in ayan dadka ka guureen deegaankooda oo ay tahay in ay gartaan sidii ay u difaacan lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa horay si wadajir usoo saaray Xeer mamnuucaya ka ganacsiga Dhuxusha oo dhirta laga sameeyo.

Hoos ka dhageyso: