Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Somaliya Mahad Cabdale Cawad ayaa maanta Gaaray Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug.
Gudoomiyaha Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug Cabdulaahi Cali Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayuu sheegay in wafdiga gudomiye ku xigenka lagu soo dhaweeyay dagmadaasi jariiban, isagoo oga sii Gudbi Doonna Dagmadda Towfiiq Ee Gobolkaasi Mudug.
Wuxuu Kulamo La Qaadan Doonnaa Waxgaradka deegaankaasi oo la soo sheegayo iney Ka Jidho Xaaladda Biyo La’aneed oo Ka Jidha Qaar Kamid ah deegaanadda uu manta Usocdaalay Gudomiye ku xigenka Labaad ee barlamanka fedralka ah ee somaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad.
Cawad Ayaa Maalmahaan Safar Ku Joogay Magaaladda Garowe ee caasimadda Puntland Isagoo Heshiis La Gaaray Gudoonka Baarlamanka Puntland.
Hoos ka dhageyso wareysiga gudomiyaha: