Dadka Shacabka ah ee ku nool Xaafado ay ka mid tahay Xamar Jadiid, Degmada Wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya dhac Habeenkii kusoo kordhay halkaasi.
Qaar ka mid ah Dadka degan Xaafadaasi ayaa sheegay in Kooxo burcad ah oo ku labisan dareeska Ciidamada oo ku socda Gaadiid ay dhaceen Dukaamo ganacsiga oo ku yaalla Xaafadda Xamar jadiid.
“Waxa dhacaya waa Askar wata Dharka Ciidamada Dowladda, waxaan codsaneynaa in arrintaasi wax laga qabto” ayuu yiri Qof la dhacay Dukaankiisa.
Dhaca oo in mudo ah laga nastay Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkaan la hadal hayay in uu dib usoo laabtay.
Hoos ka dhageyso: